Adrere amellal waa mid kamid ah hotelada ugu layaabka badan dunida.

Hotelkani wuxuu ku yaalaa lama-degaanka Masar, dhismihiisa haddaan eegno waxaa laga sameeyey dhagax, dhoobo iyo caleemaha geed timireedka. Wuxuu ka kooban yahay 40 qol oo loo dhisay qaab qadiimi ah.
Hotelkani malaha Koronto iyo nalal, habeenkii waxaa la shidaa oo ileys ahaan loo isticmaalaa Feynuus iyo shumac.
Waxyaabaha u gaarka ah hotelkan ee aad la yaabi doonto ayaa ah inaan laga ogoleyn moobeel, telefishan, kumbiyuutar iyo waxwalboo casri ah!
Cuntooyinka laga helo hotelka amellal waa cuntooyinkii hore ee ay masaaridu dhaqanka u lahaayeen.
Dalxiise-yaal badan ayaa dunida dacaladeeda uga yimaada si ay hotelkan maalmo ama bilooyin u joogaan iyagoo ka nasanaya buuqa iyo jah-wareerka dunida.