Dagaaladii Dhex Maray Sayidka iyo Isticmaarka
 

 1900-1920-kii, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe (August 1913kii). Duullaankii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday dagaalkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen. August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.

Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne 

Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede 

Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato

  Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye 

Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto 

Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid 

Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda

Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo. November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya. October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba. 

Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal. Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna Ingiriisku isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan. Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimodoon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo galeen. 

Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd maashaa'ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco. Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali.

16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile. Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin.

Gunaanad

Geeridii Sayidka & Dardaarankiisii.

November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah u geeriyooday isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada. Allaha u Naxariistee Sayidku wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle degmo ku taalo gaar ahaan Degmada Iimey. Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yidhi Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeedhay laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaadhay ayuu u yeedhay Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yidhi” Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, Markii la gaadhay makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yidhi iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaadh ahaa ku yidhi yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeedhay dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku, halkaas aya lagu aasay Sayidka. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hadhi karini waxa ay tageen gurigii reer Daadhi oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa Bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay. Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno. Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed. Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo afjaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:

Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey 

Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye 

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye 

Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e 

Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (SCW) 

Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye 

Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede 

Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin 

Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine 

Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane 

Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine 

Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline 

Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane?? 

Sida doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone 

Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline  

Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane

Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine 

Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye 

Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye 

Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye 

Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan 

Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa 

Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge 

Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye 

Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine 

Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e 

Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e 

Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay 

Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye 

Xigasho & Raadraac

Waxaa laga qorray barnaamij laga sii daayey Idaacadii Muqdisho. 

Buuggii Aw-Jaamac Cumar Ciise, Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, 

The Warrior Mullah by Ray Beachey (meelaha qaarkood ayaa la saxay). 

Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayidka….. Aw Jaamac Cumar Ciise, AHN, Jabuuti 2005

                                               

                                    DHAMAAD (Wabillaahi Tawfiiq)