Hordhac
Waxaa laga yaabaa dad badankii markii ay dhagahooda kusoo dhacdo magaca iyo martabada uu
Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu
kaga yaal taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada iyo maamuuska
ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi iyo meelkasta
oo ay joogaan inay isweydiiyaan: "muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan
iyo heerkaas geesinimo ee aan cid kale la wadaagin?" Haddaba suuragal ma aha in maqaal qudh
ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey iyo taariikhda Sayidka, haseyeeshee waxaan isku
dayeynaa in aan guudmarno oo aan soo koobno dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii
gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh
iyo hoyba u diiday gumaysiga (Gumaystihii Ingriis) dhinac walbana ka wareemay.
Sayidka waxaa uu noolaa mudadii u dhaxeysay(1856-1920), waxaa uu ahaa Hogaamiyhii
Darwiish, lana dagaalamay gumaystayaashii Ingiriika, Talyaaniga iyo Xabashida, isagoo kula
dagaalay dhulka looga yaqaano Somaliland, Nugaal iyo Taleex. Sayidka oo caddaanka ugu
yeeraan”Mad Mullah oo ah wadaadkii waalnaa”waa sheeko kale oo Soomaaliyeed oo Taariikh
dalkeena ku faano, baal dahab ahna ka galay.
Taariikhdii Dhalasha Iyo Caruurnimadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Waxaa la weriyey Shiikh Cabdille oo ah Sayidka aabihii isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha
la yidhaahdo Timiro Seed Magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxaa la yidhi, waxay u dhashay
10 caruur ah, waxaana u weynaa sayid Maxamed, hase ahaatee Shiikh Cabdille carruurtii uu dhalay
ayaa waxa la sheegaa inay tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo. Shiikh Cabdille Xasan Daraawiish
dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay
xaruntii Daraawiishta "Baraawe" 1926, qabrigiisuna waxa laga dhisay qudbad (Qudbi) caan ah.
Maxamed Cabdulle Xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-mudug oo ah agagaarka
Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada Buhoodle toddoba mayl u
jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane", Waxaana la
sheegay ama lagu soo wariyay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ayhanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1863. Daraawiish iyo
dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay sheegeen: Sayidku Maxamed saddex meelood ayuu
ka la mid ahaa nabigii"SCW" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn
mayso guguu dhashay. Wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah.
Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo. Reer miyigana waxaa
badanaaba u taliya roobka iyo baadka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba
dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn. Dabeecadaha guurguur
ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoola raac noqdo.
Sidaas daraaddeed, waxaan odhan karnaa: Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa
xoolraac, lamana carabaabin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka
Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa
baa quraanka loogu bilaabay. Macallinkii quraanka u dhigi jirey ee uu ku bilaabay waxa lagu
naanaysi jirey "Kud Quraan". Maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax
lala yaabo ma aha oo ardayda ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo
badnaan, firfircooni iyo karti dheeraada. Waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in
calaamooyinkii macallimadu ka muuqato, isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro.
Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay
dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cilmiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex
marayaanna raaco oo la socdo. Hase yeeshee, markii dambe xertii buu ku mid noqday, taasina
waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh Cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey
ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda iyo dhamaan dadkii
markaas ka ag dhawaa.
Barashadii Cilmiga ee Sayidka iyo Ka Baqooltiisii Geyiga Soomaaliyeed.
Dhulka masaajid, madaaris iyo meelo wax lagu barto oo loogu soo hagaago cilmiga midna ma
lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu
barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo,
ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. Waxa kaloo jirey waqtiyaal caan
ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano
la kala qaato Intaas wixii ka dambeeyay Sayidku wuxuu u kacay Makka iyo Madina waxeeyna isu raaceen 13
wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Sayidka magaalada Maka waxaa ay isku arkeen wadaad Suudaani
ah oo Saalix lagu magacaabi jiray, Sayidka waxaa uu ahaa Saalixiya oo ah dhariiqo ka tirsan
Suufiyada. Sayidku intuu uu ku suggnaa Makka iyo dhulka barakaysan waxa uu soo bartay cilmi
aad u balaadhan oo uu si fiican u darsan diinta islaamka.
2 Comments
allah uraxmado sayidkii barakeysnaa
ReplyDeleteqeybta 2aad kaa sugeynaa
ReplyDelete