Barnaamik Tv ka baxayey oo tabarucaadda lagu uruuriyo ayuu weriyihii dad weynaha u soo bandhigay xaaladda bukaan u baahan in lagu sameeyo qaliin 150 kun oo dollar ku baxayso, bukaanka ma awoodi karin inuu lacagtaas iska bixiyo.


Weriyihii wuxuu bilaabay inuu ka jawaabo wicitaanada dadka raba inay wax baxsadaan.

Dadka soo wacay waxaa ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Maxamed kaasoo sheegay inuu bukaanka ku tabarucay Lacag 2$ ah.
Weriyihii ayaa yiri: Ma 2$ doolar oo keliya?
Wuxuu ku jawaabay: Anigu baagamundo ayaan ahay oo ma shaqeeyo Labadaas dollar ayaa aheyd hantida keliya ee maanta aan haystay, waxaanan jecleystay inaan sadaqeysto!

Qofkii ku xigay ee barnaamijka soo wacay wuxuu Sadaqeystay 8 Kun oo dollar wuxuuna yiri 4 kun bukaanka ayaa leh, 4 kunna Wiilkii Labada dollar bixiyey hala siiyo.