Taariikhda kooban ee Xaawo Taako

Halyeeyad Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) oo si weyn loogu yaqaan taariikhda halganka iyo gobonima-doonkii dalka .
Xaawo Cusmaan (Xaawo Taako) Waxay ku dhalatay Magaalada Muqdisho gaar ahan degmada Xamarwayne taariihdu markii ay aheyd 1925 tii qiyaas ahaan .

Xaawo Taako waxay ahayd shakhsiyad aad u adadag oo geesiyad ah, waxa ayna aad u necbeyd gumaytayaasha dalka qabsaday xiligaas .
Xaawo taako oo ahayd qof naafo ah oo lug ka dhutin jirtay, kama aysan reebin lug hintiskeeda rabaaniga ah inay ka qayb qaadato halgankii xorriyad-doonka ahaa oo waxay had iyo jeer ka qayb gali jirtay banaan baxyada dhagaxtuurka ahaa ee lagu dalbanayay in gumaysigu ka baxo wadanka.

Sanadkii 1948-kii Xaawo Cusmaan ( Xaawa Taako) waxay ka qayb gashay banaanbixii ugu dambeeyey nolosheeda kaas oo ay dhagar qabayaashii gumaysiga si naxaariis la’aan ah ay u huwiyeen rasaas dadkii rayidka ahaa ee banaanbaxayay, halkaas ayeyna Xaawa Taako Ku qudh-baxday , iyadoo duudsan ilmo yar oo ay dhashay.

laga soo bilaabo waqtigaas waxay Xaawo Taako ka mudatay Shacabka Soomaaliyeed qadarin iyo tixgelin aad u wayn,iyadoo jiilasha kala duwan ee Soomaaliya hadba wax ka akhristo taariikhdeeda halganka nolosha qoyska iyo midka dalkeeda ay u gashay oo nafteyda ay ku weyday .

Taliskii Milatariga ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre waxa uu Xaawa Taako u dhisay taallo lagu xasuusto , taasoo ku taalla agagaarka Tiyaatarka qaranka ( Golaha Murtida iyo Madadaalada) ee Muqdisho

Taaladaasi ayaa la dhisay sanadkii 1970-kii , sidoo kale degmooyinka kala duwan ee dalka si gaar ah gobolka Banaadir iyo Shabeellaha hoose ayaa laamaha iyo xaafadaha loogu yeeray magaceeda , si la mid ah goobo waxbarasho iyo qeybo ka mid ah lacagta Shilin Soomaali, taasoo ku tusineysa in Magaceedu noqdo mid ku waara taariikhda dahabiga ah ee Soomaaliya iyo quluubta dadka Soomaaliyeed.
Waxaa la sheegaa in Xaawa-taako uu dilay nin gumeystihii Talyaaniga la shaqeynayay oo ay dhagxaan kala hortagtay,