Charlie Chaplin oo ahaa jilaa filimada qosolka ah ayaa ka sheekeeyey dhacdo soo martay isaga iyo aabihii wuxuu yiri:

" galab ayaan aabahay u raacay tiyaatarka si aan uga soo daawano bandhig-faneed aad loo xiiseynayey xiligaas,
saf dheer ayaan galnay si aan u qaadano tikidhka lagu gelaayo tiyaatarka, waxaa naga horeeya oo horteena taagan qoys ka kooban hooyo, aabe iyo lix caruur ah oo ay dhaleen, waxaa muuqatay inay yihiin qoys sabool ah, dhar duug ah iyo kabo dhammaaday ayey ku lebisnaayeen.
caruurtu aad ayey u faraxsanaayeen waxayna ka sheekeysanaayeen qaabka uu u dhici doono bandhiggu, markay gaareen meeshii tikidhka laga qaadaneyey ayuu aabihii weydiiyey qiimaha tikidhka, markii loo sheegay qiimaha tikidhka ayuu wejigiisu is bedelay wuxuu bilaabay inuu xaaskiisa hoos ula hadlo, lacagta uu wato iyo qiimaha tikidhada ayaa isu dhigmi waayey wuxuu sameeyo ayuu garan waayey.
Aabbahay markuu arinta arkay ayuu jeebkiisa ka soo bixiyey lacag aan 20$ ku qiyaasay kadiba dhulka ayuu ku tuuuray, kadib ayuu ninkii garabka ka taabtay oo ku yiri "Lacagtaan ayaa kaa dhacday"
Ninkii aabbahay ayuu soo eegay isagoo ay indhihiisa ilintu ka qubaneyso ayuu u mahad-celiyey oo lacagtii ku qaatay.
Sidii ayey isaga iyo qoyskiisu tiyaatarkii ku galeen, aniga iyo aabbahay halkii ayaan ka soo laabanay sababtoo ah aabbahay ma haysan lacag kale oo aan tikidh ku iibsano,
Laga soo bilaabo maalinkaa ilaa hadda aabbahay ayaan ku faanaa,
muuqaalkaasuna wuxuu noqday bandhiggii ugu qurxoonaa ee aan daawado".