Soo Guryo Noqodkii Sayidka iyo La Kulankiisii Isticmaarka
 

 Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii. Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?” Intaas kadib wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan. Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa'ilka Soomaaliyeed. Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto. Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed leeyahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed. 1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay. April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu Ingiriiska kusoo qaado. Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

Is Abaabulkii Ciidamada Isicmaarka iyo Tababarkoodii

Bishii November 1900, waxaa dalka Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magac baxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray. Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle sare oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka. Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso. John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (Lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.

Taariikhda Sayidka ayaa waxaan markasta ka maqnayn hal abuurnimadiisa iyo maansooyinka kala duwan ee uu hawada u mariyo kolba cidii uu wax u sheegayo ama la hadlayo, gabaygan soo socdaa waa gabaygii uu Sayidku u mariyay Ingiriiska ugu sheegayay inaanu heshiish la galin isticmaarka. 

Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye 

 Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne 

 Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe 

 Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e

  Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne 

 Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale

  Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye 

 Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane 

 Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone \

 Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye 

 Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye 

 Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye 

 Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede 

 Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine 

 Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin 

 Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (SCW)

  Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine 

 Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane